Bilyaneer Reer Japan Ah Oo Noqonaya Qofkii Ugu Horreeyay Ee Dalxiis Ku Taga Dayaxa Dushiisa

661
Yusaku Maezawa, Ganacsadaha reer Jappan ee u dalxiis tagi doona Dayaxa Dushiisa

Shirkadda dhanka hawada sare ee Maraykanka ee SpaceX ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ay dayaxa u qaadi doonto Bilyaneer reer Japan ah kaasi oo noqonaya qofkii ugu horreeyay oo rakaab ee u dalxiis taga dayaxa sare.

Bilyaneerkan reer Jappan ayaa waxa lagu magacaabaa Yusaku Maezawa, waxaana hawada sare u duulin doonta shirkada SpaceX ee dhanka hawada sare, taasi oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

“Qofkii ugu horreeyay ee shacab ah ee u duuli doona dayaxa waxa uu fuuli doonaa DFR (Big Falcon Rocket) waana Bilyaneerka caanka ah ee Yusaku Maezawa, oo ganacsigiisa dunida laga wada aqoonsanyahay” SpaceX ayaa sidaasi ku baahisay barteeda Twitterka.

Maezawa oo 42 sano jir ah una dhashay dalka Japan ayaa waxa uu leeyahay ganacsiga ugu weyn Japan ee dhanka Online-ka ah, waana qofka 18 ee ugu hantida badan guud ahaan dalka Japan, hantidiisuna waxay gaadhaysaa $2.9 Bilyan oo Dollar.

Maezawa ayaa waxa uu ku baahiyay bartiisa Twitter iyo Instegram in uu qorsheeyay fannaaniin iyo sawir qaadayaal ku wehelin doona safarkiisa Dayaxa.

Dayaxa ayaa waxa uu dhulka u jiraa masaafo dhan Saddex boqol iyo Shan iyo siddeetan kun oo Kilomitir (385,000km), wakhtigii ugu dambeeyay ee cirbixiyeennada ay u safraan ayaa ahayd sannadkii 1972-kii, xilligaasi oo ay ku tageen hawlgalkii Apollo17.

Hay’adda hawada sare ee Maraykanka NASA ayaa shaqaalaysiisay shirkadaha SapaceX iyo Boeing si ay duullimaadyo ganacsi uga bilaabaan dayaxa.

Xornimonews-Xafiiska Hargaysa

La wadaag saaxiibbadaa(Share).