Nin Loo Xidhay Calanka Somaliland Oo Uu Xidhay Kadibna Isku Dhex Dilay Jeelka

Marxuunkan geeriyooday ayaa la sheegay in uu is ku dhex deldelay Saldhig ku yaala magaalada Badhan.

706
FG: Sawirkan astaan ahaan ayaanu u istcimaalayn.

Alle haw naxariistee waxa saldhig ku yaala magaalada Badhan ku geeriyooday Maxamuud Ladiif Cismaan oo mudaharaad uu Somaliland ku taageersanyahay ka sameeyay Badhan.

Marxuunkan geeriyooday ayaa la sheegay in uu is ku dhex deldelay Saldhig ku yaala magaalada Badhan.

Ciidamada Puntland ayaa marxuumka ka xidhay suuqa isagoo ku labisan calanka Somaliland kana cadheysan taageerada uu muujiyay – sida ay ku warramayaan dad ku sugan magaalada Badhan. Shalay ayaa lagu xidhay saldhiga saaka ayaa la arkay isaga oo daldelan.

Ugu danbeyntiina dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha maamulka Puntland socdaal dhulka ah ku yimid magaaladaasi oo Somaliland iyo Puntland maamulkeeda isku hayaan.

Xornimonews – Xafiiska Hargeysa.

La wadaag saaxiibaddaa(Share).