Somaliland: Xeerka Kufsiga Oo Guddi Loo Saaray

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in xeerkan ay ku jiraan qodobo si toos ah diinta islaamka uga hor imanaya.

222

Xeerka kufsiga oo muran badan ka dhaliyey guddaha Somaliland ayaa haatan laysla af gartay in guddi dib u eegis ku sameysa loo saaro. Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax, wasaaradda diinta iyo awqaafta, iyo qaar kamid ah culimadda Somaliland oo maanta kulan ku qaatay xarunta baarlamaanka waxay sheegeen in ay isla waafaqeen saddexda dhinacba in wax ka bedel iyo dib u eegis lagu sameeyo xeerkan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in xeerkan ay ku jiraan qodobo si toos ah diinta islaamka uga hor imanaya. Culimada oo iyaguna dhankooda ka hadlay waxay sheegeen in xeerkani ay ku jiraan qodobo diinta iyo shareecadda islaamka ka hor imanaya isla markaasi xeerkan laga saari doono qodobada ka hor imanaya diinta islaamka.

Halkan ka akhriso xeerka kufisiga GUJI/RIIX 

Xornimonews – Xafiiska Hargeysa.

La wadaag saaxiibaddaa(Share).