XOG: Gaas Oo Wada Qorshe Uu Ku Carqaladeynaayo Doorshada Puntland

Shabakadan Garoowe Online  ayaa  bayaamisay  in Cabdiweli Gaas  uu ku hawlan yahay  isku-day uu ku mijo xaabinayo qabsoomida doorashada deegaankaas

570
Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas - Madaxwaynaha Maamulka Puntland - Sawirka [Google photo file]

Warbaahinta Garoowe  ayaa  baahisay in madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu wado olole uu ku dhicisaynayo  doorashada  baarlamaanka gobolkaasi ku xulayaan   madaxweynahooda cusub bisha January ee sannadka 2019-ka, sidaas darteedna uu  diyaarinayo  dagaal ay ku qaadaan  ciidammada Somaliland ee ku sugan deegaanka Tuka-raq.

Warbaahinta Garoowe Online oo ah shabakadda ugu  weyn  Gobolka  Puntland,  ayaa daabacday warbixin lagu sheegay in Cabdi Weli Gaas uu diray saddex wasiir kuwaasi oo saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Tuka-raq ku war geliyey in ay dagaal u diyaar garoobaan bal se xogta ayaa sheegaysa in ay ku gacan saydheen wasiirarada saraakiisha ciidamadu.

Shabakadan Garoowe Online  ayaa  bayaamisay  in Cabdiweli Gaas  uu ku hawlan yahay  isku-day uu ku mijo xaabinayo qabsoomida doorashada deegaankaas, oo uu  dejinayo   dagaal cusub oo ay ku soo hawaystaan  ciidammada Somaliland oo hore cashar ugu dhigay  dagaaladii hore u dhex maray bilihii January iyo May  ee 2018ka.

Waxa kaloo shabakaddu ay werisay in labadii sannadood ee u dambeeyey sumcadda  Cabdiweli Gaas hoos u dhacday, kadib markii maamulka Garoowe uu hadheeyey musuqmaasuq iyo kooxaha argagixisada oo ku soo xoogaystay gobolka barri ee maamul-goboleedka Garoowe.

Geesta kalena, dadka fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxay ku doodayaan in madaxweyne Gaas haatan damaciisa ugu weyni yahay muddo korodhsi, si arrintaasi ugu hir gashana uu xiisaddo dagaal iyo degenaasho la’aan ka abuurro deegaanka maamulkaasi.

Xornimonews – Xafiiska Hargeysa.

La wadaag saaxiibaddaa(Share).