Fanaanad Xalay Ku Geeriyootay Muqdisho

Dad badan ayaa Fanaanada waxaa ay ku xusuuustaan  heesaha  ku saabsan waddaniyada iyo kuwo jaceyl ah oo ay hore u qaaday.

238
Magaalada Muqdisho - Sawir hore / Google

Magaalada Muqdisho xalay waxa ku geeriyootay mid ka mid ah fanaaniintii hoobalada Waaberi, oo lagu magacaabi jiray Shamsa Xuseen Shumey.

Fanaanadani ayaa la sheegay in muddooyinkii u danbeeyay ay ku xanuunsanaysay guddaha magaalada Muqdisho ugu danbeyntiina xanuunkaasi u geeriyootay.

Qaar ka mid ah fannaaniinta Hoboladda Waaberi iyo golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in fanaanadu ay geeriyootay.

Dad badan ayaa Fanaanada waxaa ay ku xusuuustaan  heesaha  ku saabsan waddaniyada iyo kuwo jaceyl ah oo ay hore u qaaday.

Xornimonews – Xafiiska Muqdisho.

La wadaag saaxiibaddaa(Share).