Ciidamada Sucuudiga Oo Toogtay Dad Soomaali Ah

167

Wararka ka imanaya gudaha dalka Sucuudiga ayaa sheegaya in Ciidamad ammaanka dalkaasi ay toogteen dad Soomaali ah oo xilligaasi marayay xuduudda dalkaasi uu la wadaago dalka Yemen. Sida ay sheegeen dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Sucuudiga waxa rasaas ciidamadu ay ku rideen dad Soomaali ah oo Tahriibaya ku nafwaayay hal ruux oo lagu magacaabi jiray Axmed-Nuur Maxamed halka afar kale uu soo gaadhay dhaawac.

Dadkan ayaa sheegay in dhaawaca oo soo gaadhay kadib ay waayeen gurmad lagu daweeyo uu sababay in dhiig bax uu u dhinto marxuumka geeriyooday.

Tuulada dhacdadaan ka dhacday oo lagu Magacaabo Raqwah ayaa dhacda Soohdinta Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan. Dadka dhaawacmay ayaa looga kala tagay goobta, waxa ay wararku sheegayaan in iyanne ay ku dhiig-baxeen Tuulada Raqwah oo ah Halka lagu tuugtay.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ciidamo tiro badan dhoobtay xuduudda ay la wadaagaan dalka Yenen maadaama ay ciiidamadooda ay duqaymo joogto ah ka wadaan dalka Yemen.

Dadka Soomaalida ah ee u Tahriiba dalka Sucuudiga ayaa inta badan lug kaga gudba xuduuda u dhaxaysa dalalka Yemen iyo Sucuudiga iyaga oo la kulma dhibaatooyin badan oo dhimasho sababa, waxaana dawladda Sucuudigu soo tarxiishaa sannad walba boqollaal Soomaali ah.

Xornimonews-Hargaysa Desk